|

Breaking– Wadahadalka Itoobiya iyo ONLF ‘ONLF oo dalbaday sii deynta Cabdikariin Qalbi Dhagax

Wadahadalka uga socda ONLF iyo Itoobiya Magaalada Nairobi ayaa meel wanaagsan maraya hada, Qodobada ugu xasaasisan in miiska saaran waxaa ka mid ah in Cabdikariin Qalbi dhagax xabsiga laga sii daayo.

Wadahadalka oo dhowr maalmood hadda socda ayaa wuxuu u muuqdaa mid dhowaan la isla meel dhigi doono Go’aanka rasmiga ah ee Kulanka kasoo bixi doona.

Sarkaal ka agdhow Wada hadalka oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Puntlandi ayaa wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay labada dhinacba muujiyeen Bisayl iyo horu socodba, Qodobo dhowrana la isla meel dhigay.

Wuxuu kaloo Sargaalku noo sheegay in Qodobada ugu muhiimsan dhanka ONLF ayna ku gorgortamayaan uu ka mid yahay in Sharuud la’aan Xabsiga looga sii daayo Cabdikariin Sheikh Muuse oo loo yaqaano Qalbidhagax, oo Sanadkii hore ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen kadibna u dhiibeen Ethiopia.

Qodobkaan wali si fiican la isuguma afgarad laakiin waxaa loo badinayaa in dhanka Itoobiya ay aqbalaan sii deynta Qalbi dhagax.

Puntlandi
Nairobi

You must be logged in to post a comment Login