abaaraha
|

BreakingNEWS: Kalluumaystayaal Yemeniin ah iyo doontoodii oo lagu hayo Eyl, kadib waxyeelo ay ugeysteen kalluumaysato deegaanka ah.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay dooni laga leeyahay dalka Yemen, taasoo waxyeelo xoogan u geysatay kalluumaysato deegaanka ah.

Ugu yaraan hal qof oo kalluumayste ah ayay waxyeelo kasoo gaartay, midkale waa lala yahay kadib markii doontaan ay xalay saqdii dhexe dusha ka martay Laash yar oo ay la socdeen labo nin oo kalluumaysato ah.

Saaka waaberigii, ayaa baadigoob loo galay sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa doonta falkaan geysatay, waxaana dadaal dheer lagu guulaystay in lasoo qabto.

12 Shaqaale Yemeniin ah, ayaa doonidaan la socday, iyadoo haatan lagu hayo kaam kuyaala tuulada Maraya oo hoos tagta degmada Eyl, sida uu Puntlandi u sheegay wariye madax bannaan oo lagu magacaabo Cabdishakuur Gorgor.

Doontaan la qabtay ayaa kamid ah doonyaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland.

Puntandi.com

Comments are closed