|

Buundada Saddex qoley ee degmada Burtinle oo ay gaadiid badan ku xaniban yihiin.

Sawieka

Sawirka buundada saakay

(Pi Garowe) Buundada saddex Qoley ee ku taala duleedka waqooyi bari ee degmada Burtinle ayaa waxaa xillihaam ku xaniban gaadiid badan oo isaga kala gooshayay gobolada Puntland, kadib markii ay biyo xoogle ay kusoo rogmadeen buundada.

Darawaliin halkaan ku sugan oo goor dhowayd qadka taleefonka ugu waramay wariyaha Puntlandi ee Garowe ayaa u sheegay inaysan baabuur yaryar awoodin inay ka gudbaan buundada.

Waxay sheegeen biyuhu inay saacadba saacada kasii dambeysa sii xoogeysanayaan, taasoo¬†sabab u ah roobab culus oo ka da’ay Burtinle iyo deegaamada hoos yimaada.

 

Wixii faahfaahin oo soo kordha kala socda Puntlandi.  

You must be logged in to post a comment Login