abaaraha
|

Cabdiqani Cabdi Jamac oo Ah Murashax Baarlamaanka Federaalka (Xildhibaan) oo maanta Daawo soo gaarsiiyey Isbitaalka Gaalkacyo(Sawiro)

Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ah Murashax u tartamaya Xildhibaanimo Aqalka hoose ayaa maanta wuxuu Isbitaalka Gaalkacyo soo Gaarsiiyey 2.5 tan oo daawo ah.

Murashax AbdighAni Abdi Jama ayaa noqonaya Murashixii u horeeyey ee ololihiisa Doorashada ku bilaabay adeega Bulshada halka tartamayaal badan ay ugaarsanayaan Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada si ay jeebka dollar ugu galiyaan.

Murashax Cabdiqani ayaa horey wuxuu qurba joogta Puntland uu u direy baaq ku aadanaa in Isbataalka Gaalkacyo wax laga qabto,Maadaama Gaalkacyo ay tahay meel istaraatiiji ah, Baaqaasoo meel dheer gaaray.

Xiliga uu baaqaas dirayay oo bilo laga joogo ayuu dhankiisa balan qaaday inuu qayb muuqata ka qaadanayp adeega Bulshada uuna ka bilaabayo Isbitaalka Gaalkacyo.

img-20161205-wa0003

img-20161205-wa0004

img-20161205-wa0005

img-20161205-wa0004

img-20161205-wa0001

Comments are closed

aet