|

Cabdiraxmaan Faroole oo iska casilay xubintii uu ka ahaa guddiga dastuurka.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta iska casilay xubinimadii uu ka ahaa guddiga dastuurka labada aqalka barlamaanka Soomaaliya.

Warqad is casilaad ah oo ka socotay Dr. Faroole ayaa laga hor akhriyay fadhi ay yeesheen golaha aqalka sare.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhawaan u tartamay guddoomiyaha guddiga dastuurka, balse waxaa doorashadaas kaga guulaystay Cabdiqeybdiid.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi,ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare ku wargeliyay in la buuxin doono booskii uu baneeyay Faroole,in kastoo xiliga Warqada la akrinayay uu Goobta ka maqnaa.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login