|

Cabdiraxmaan Faroole oo maanta u tartamaya guddoomiyaha guddiga dastuurka barlamaanka labada aqal..

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo haatana kamid ah barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta utartamaya doorashada guddoomiyaha guddiga dastuurka Soomaaliya.

Senator Faroole, ayaa xilkaan kula tartamaya rag uu kamid yahay Cabdiqeybdiid oo kala tirsan xikdhibanaada aqalka sare ee Soomaaliya.

Guddiga Dastuurka oo ka kooban 10 xubnood, ayaa isugu jira 5-xubnood oo ka socda Aqalka sare iyo 5 xubnood oo ka socda Golaha shacabka, waxaana maanta qorshuhu yahay in ay doortaan Guddoomiye. Xubnaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ayaa shalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddoonka Aqalka sare.

C/raxmaan Faroole oo ah siyaasi aad ula socda arrimaaha dastuurka ayaa macquul ah inuu ku guuleysto xilkaan, marka loo eego dadaalka uu ugu jiro xilkaan iyo xubnaha ololaha la wada, waxaana dhismahan Guddigan lala sugayay muddo saddex bilood oo uu Guddoonka Aqalka sare dib u dhigayay.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed