|

Cadaalada Cawran ee Caasimada taala : – Maxkamada Ciidamada ee Muqdisho oo xukun dil ah ku xukuntay looma oyaan Shabaab ah oo ka soo Jeeda MARKA, kuwii qaraxa soo abaabulay ee GALMUDUG-na sii deysay

Maxkamada lagu magacaabo maxkamda ciidamada ee Muqdisho ayaa maanta xukun lagu qosolo oo cadaalada ka fog ku riday koox lagu eedeyey in ay yihiin gacan ku dhiiglayaal ka tiran kooxda Al-shabaab.

Xukunka maxkamadu riday oo dil ah ayaa sidii cadadu aheyd ku dhacay eedeysanihii looma ooyaanka ahaa ee ka soo jeeday beelaha aan hubeysneyn ee dagga gobolka shabeelada hoose,halka kuwii soo abaabulay fal dambiyeedka qaraxa ee ka soo jeeday GALMUDUG la sii daayey,qaarna lagu xukumay xarig dhalanteed ah

Halkan ka akhri xukunka Maxkamada

Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka ayaa ugu danbeyntii ayaa Maanta Xukuno iskugu jira dil , Xabsi Ciidan iyo sii daysmo ku kala ridey 7 nin oo ku eedeysnaa iney ka danbeyeen Qaraxi 26-11naad ee sanadki hore ka dhacey suuqa beerta ee degmadda waabari kaa oo ay ku nafwaayeen in kabadan 30 ruux kuna dhaawacmeen 40-tameeyo kale.

Cabduqaadir cabdi xasan oo maxkamadu dil ku xukuntay ayaa ah looma oyaan ka soo jeeda Gobolka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa 2 nin oo isu abti ah oo ka soo jeeda GALMUDUG oo  lagu kala magacaabo Maxamed Cabdullahi Nageeye iyo CabdiNaasir Cumar Xasan oo ayagana lagusoo eedeyey iney ka tirsanyihiin kooxda shabaab,isla markaana soo abaabulay qaraxa , sidoo kale Gaariga Hoomeyda ahaa ee qarxay in Midna keeney Xamar ,Midna ku hayey Geerash ku yaala Baar Ubax,  waxey maxkamada  yaabka lihi ku xukuntay min 15-sanno oo xabsi Ciidan ah.halka Maxkamadu siideysay  eedeysanayaashii kale oo ay shegeen in danbi ah lagu waayey.

Godoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda Qalabka sidda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Xukunka Maxkamadda ku Dhawaaqey kadib markii bishaan Gudaheeda 2 maalin u kala fadhiisatay dhageysiga Maxkamadda Ragaan.

Comments are closed