|

Calankeena wuxuu ku dhashay dhiiggii awoowayaasheen!

W/Q Ahmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Aad baan u xasuusnahay sida ay wax ahaayeen laakiin magac iima lahayn waxa aan dareemiyo!….Dareen wuxuu ahaa dhamaantiis raali ka ahayd naftayda!…waxaan qiyaasayaa in dareenka uu sii xoojiyay xaaladdii aan markaas ku jiray, roobkii da’ayay dhibcihiisii…shanqartii biyiihii qulqulayay ee meelaha joogga sare ee magaallada ka soo rogmaday, jeegaantii samaysantay markay cad-ceeddii ku dhacday hogashii da’aysay!…..Onkod aad u xoog badan baa mararka qaarkood wadnaha ina ruxayay!… cabsi, hadana qosol….waxyaabahaas oo dhan waxay maalinkaas u sabab ahaayeen dareen iyo rabitaan nafta dhex qaaday oo gaaray meel fog oo ah bu’da halka ay nafta ka guntantahay malaha!…..

Markii uu roobkii qaaday, baa waxaa bilowday dabayl udug badan, Saxansaxo!…. “DHoo!DHoo!” isla markiiba waxaa meel kasta is qabsaday dhawqii Raha….iftiinkii qoraxdii casayd ee sii dhacaysay markii ay is qabteen hogoshii ay biyaha cuslaysiiyeen ayaa dhulkii oo dhan waxaa isku gadaamay mooddii galabnimo, waxaa heegada sare marar ishu qabanaysay haaddii oo geedaha dushooda u sii hoyanaysa inta uusan aaska ka madoobaan…Qurux!…..ma hubo heerka dareenkaygu gaaray!…Farxad!..oo maxaan ku farxay?! ma sheegi karo, keliya waxaan garanayay inaan farxad dareemayay!….carradii, dhagxaantii, caleentii dhirta, dhismayaashii, dhulkii oo dhan wuxuu yeeshay midabkii daruuraha lahaayeen, midabkii shucaaca!…..

Dadka lugaynaya jidadka magaalada teelteel ayay ahaayeen, sida indhahaygu wax u arkayeen farxadda way ila qabeen, laakiin waxay ila ahayd inaan aniga wax dheerahay, oo maxay yihiin?!…malaha udugga saxansaxada ayaan wax ku soo xasuustay!….malaha fallaaraha cas-cas ee cadceedda iyo midabkooda dhulka ku baahay ayaa anigana si gaar ah wax iigu iftiinshay!…..Waa aniga, waa roobka, waa qoraxda,waa cirka, waa dhulka,waa dhirta……QURUX! Waa wax la jeclaado! Waxa aan dareemayo magac iima lahayn, laakiin waxaan garanayaa inay niyadayda kacsanayd, waxaan garanayaa inaan degdegsanaa, waxaan garanayaa inaan bedelay sidii aan u socday, oo waxaad moodaysay indhaha dadka oo dhan inay aniga igu soo jeedaan, Aniga?!…Yaa ila hadli kara?!

Waa aniga…Soomaali!

Waxay indhahayga ku dhaceen Calankeenii oo ka dhex babanaya dugsi (School) wadada ku dhinac yaalay oo saxansaxada soo dhacday malahayga siday ila noqotay la dheelaya, waxa maskaxdayda ku soo dhacay oo markiiba dhegehayga aan is maqashiiyay anigoo aad ugu faraxsan muusikadii astaantii calanka loo tumayay, waxaa igu soo dhacay oo dhegahayga ku soo noqnoqday turunbadii ay ciidammada yeerinayeen marka ay calanka saarayaan ama ay dejinayaan! Waa Calankeenii! Waa Calankii Soomaaliyeed!.. waxaan u dhaqaaqay dhinaciisa anigoo aan is ogeyn oo waliba aanan garanayn waxaan ka doonay; waxaana i hakiyay oo isku kay gudbay anigoo aan is ogeyn irriddii xirnayd ee dugsiga. Kor baan u jaleecay, in cabbaar ah baan fiirinayay oo ku dheygagay, waxaa igu soo dhacay sheekooyinkii halgankii loo soo maray, waxaan soo xasuustay magacyo badan oo halgamayaashii gobanimadeenna ka mid ahaa iyo geesiyaashii calanka dhaliyay, soo saaray , u dhintay!…in kastoo ay jiraan boqolaal ama kumanaan aan magacyadooda la hayn, Dal-Jirrada Dahsoon Ah!

Geesiyaasheenii! Laga soo bilaabo Imaam Axmed Ibraahim Gureey qarnigii 16aad, Max’ed Cabdulle Xasan halgan socday 21sano, Geesiyaasheenii! Waxaa qalbigayga ku soo dhacay aasaaskii ururkii SYL…. Hub ma haysan, ciidan iyo qalab la mid ah kan guumeystaha ma haysan, waxay ku dagaalamayeen waxaa ugu muhiimsanaa waxayaabihii dhulkooda yaalay oo dabeecadda dalkooda iyo samyskiisa ay ka heli kareen, dhagaxa, fallaarta iyo qaanso, waran iyo wixii soo raaca, dagaalkii DHagax-Tuur!…..halgankii geesinimada iyo karaammada, halgankii gobonimmada, halgankii uu ka dhashay Calankeenna buluugga ah!

Geesiyaasheenii!..waxaa qalbigayga ku soo dhacay Maxamed Cawaale Liibaan, oo isagu ahaa ninkii lahaa naqshadda Calanka! Aad baan ula dhacay nooca calanka uu inoo dooray iyo waliba fikradda midnimmada ah ee uu ku saleeyay Allow dhammaantood u naxariiso baan si jacayl ka buuxo u iri! Waxaa isla markiiba tin iyo cirib jirkayga oo dhan ku jajabay jariiraco indhahaygana waxaa isku soo taagay illin, markaasaan iri “ Calanyahow ciyaar!..” oo inta gacantaydii soo laabay muruqayga dhar-dharbaaxay “…Ha walwalin cadowgaaga kan baa loo hayaa!…” oo sidaan is leeyahay intaan saluugay muruqayga yaraantiisa hadana raacshay”…waxba muruqaygu yuusan kula yaraan, hadaanan aniga ama kuwo ila mid ah jirin maanta saxansaxadaan lama aadan ciyaarteen!”.

Waxaa madaxayga soo buuxshay xasuus badan heesihii Calankeenna lagu ammaanay, waxaa ii muuqday qiimaha uu mudanyahay, waxaa ii muuqday halgankii loo soo maray, waxaan garowsaday in roobka da’aya oo aan ku diirsado ay tahay inaan ahay nin Calankiisii hoos harsanay!…waxaan garowsaday in iftiinka qorraxda iyo mowjadaha badda ee gebiyada garaacaya, iyo caruuraha qaaqaawan ee xeebaha ku dabaalanaya….farxadda dabbaasha badda, Badda buluugga ah iyo hirarka cad-cad marka ay xunbayniyaan! Allaa Weyn! Waa Calankeenii buluugga ahaa iyo xiddigtii cadayd, dhankii laga eegaba calankeenna, midabka dhulkeennuu leeyahay!

Miyaan qarqaray?! Ma garanayo wax dhaxan ah oo aan dareemay, qoyaanka jirkayga waxaa ka duwanaa kulaylka illinta indhahayga ka imaanaysa, waxaan qaadayay heeso kala duwan oo Calanka loo qaaday, marar badan waxaan isku khaldayay erayo shucuurtayda ka imaanaya iyo tixihii heesaha calanka ammaantiisa aan ka bartay, farxadda roobka, Qaanso-Roobaadkii ilaa bari iyo galbeed jiidnayd, cod dheer oo malaha hareerahayga oo dhan laga maqlay ayaan ku iri” Calankaygow waan ogaa inaad cirkeenna midabkiisa leedahay laakiin mooda-galabnimo, iyo shucaaca cas ee gabbalka sii dhacaya waxaan ka ogaaday inaan dhammaanteen; cirka, ciidda, dhagaxa, buuraha, dhirta, badda, wabiyada, dhismayaasha,habeenka, maalinta, iyo malaha dhiigga qofka Soomaaliga ah dhammaan aan hal midab leennahay, midabkaasoo ah midka dhulkeenna!”

Waxaa igu soo dhacay quruxda ciidanka Soomaaliyeed! Waxaa igu soo dhacay dadnimmada iyo qabka qofnimo ee uu leeyahay askariga Soomaaliyeed! Waxaa ii sawirmay niyadda ay dadka iyo dalkooda u hayaan, waxaa ii cadaatay in tiirka uu calanka ku taaganyahay ay yahay Askariga Soomaaliyeed! Waxaan garowsaday in mooda gaduudan ee isku gadaantay midabkiisii buluugga ahaa ay ahayd DHiigga Ciidanka Soomaaliyeed ee mar ksata ku daaban calankeenna!…DHiigga isaga laf ahaantiisa ka samaysan Buluugga iyo Cadaanka!…Midabka Calankeen! DHiigga ummadda Soomaaliyeed…. iyadoo aan dheygagsannahay oo aan wali sii fiirinayo babbashada Calanka,iyo sida faraxadda badan ee uu ula dheelayo dhibcaha roobka iyo neecowda saxansaxada la socota ee dhulka muggiisa dabooshay, oo aan mararna dhinacyadayda fiirinayo ayaan arkay anigoo aad u qoslay oo maxaa igu dhacay?! Qosolkii baan kala joojin waayay, aad baan u farxsanaa, waxaan arkayay quwadda iyo xarrgada Calnkeena, mooddii guduudnayd, sagalkii casaa, uduggii ciidda iyo saxansaxada dhacaysay waxay ahayd Gobanimo! Maxaan ku qoslayaa?!…. Waxay ila noqotay inaan aniga iyo Calanka wada qoslayno!…

Waxaa igu soo dhacay xafladaha arooska, dhallinta dariiqyada maraya iyagoo aan cabsanayn…waxaa igu soo dhacay ilamaha yar ee habeen barkii hooyadii mirayso oo naaska u dhigayso iyadoo dadku wada gama’asanyahay iaydoo aan baqayn, oo markuu dhergo isagoo muud-muudsanaya intuu indhaha is geliyo dhacdiid u dhacaya! Allaah mahadaas leh! Waxaan soo xasuustay odayaasha markay shaqada ka soo laabtaan maqaayadaha casarkii soo fariisanaya iyagoo soo nastay oo casariyada ku sheekaysnaya, barxad furan iyagoon cidna ka cabsanayan, waxaan soo xasuustay dhibacaha roobka marka ay garaacayaan saqafka baraakada oo qofku hurddada isku sii nabo, ama uu go’ii uu huwanaa hoosta ka sii galo isagoo dugsi raadinaya! Waxaan soo xasuustay ilmihii iyo dan-yartii derbiyada jiifay ee cabsi la’aanta banaanka isaga gam’ayay! Marka aan sii fiiryaba Calanka baaxaddiisu way ka weynaataa sida uu u muuqdo! Allah baa mahaddas lehee,waxaana dareemay in aqal kasta oo dalka ku yaal uu yahay qol yar oo ku dhex yaal calanka!…tiirarka calanka uu ku dhisanyahayna ay yihiin dadkiisa!

Waxaa lay hor keenay Alle ha u naxariistee Maxa’ed Cabdulle Xalanne! Xil-Kasnimada baa geesinimmada leh, qofka inuu geerida oggolaadana waa qaybaha ugu muhiimsan ee xil-kasnimmadiisa ku tusaysa, taariikhda iyadaa isa sheegaysa, Xalane, 1964kii markii kooxdii ciidammada uu ka midka ahaa uu arkay in laga itaal roonnaaday iyagoo wali baqa-diriraya ayeey indhihiisu qabteen callankii oo uu cadowgii ku soo dhowaaday….geesinimmadu waa qayb ka mid ah samayska iyo dabeecadda qofka Soomaaliga, Xalane, wuxuu go’aansaday in geeridiisu ay tahay nolosha iyo sharafta ummadiisa, wuxuuna ogaa inuu calanka yahay astaanta ummadda, wuxuu ogaa inuu u taaganyahay dowladnimmada 4 jirsatay ee Amxaaradu ku qaracansanayd haddii uu calanka gacantooda galana ay tahay inuu halkaas ku dumay hankii dowladnimmada Itoobiyana ay u tahay guul ay ku faani karto, taasina wuxuu ka xigsaday sida qofka Soomaaliga ah u dhaqanka ah dhimasho wuxuuna calankii ku soo simay jiiddii u horeysay ee ciidanka Soomaaliyeed ay deggenaayeen!… sida Calanka dabaysha ula ciyaarayo ayaan mar kale dib u eegay..Allaah! waxaa iiga muuqatay inuu ku noolyahay ruuxa iyo dhiigga geesiyada Soomaaliyeed ee aan dhammaantood la aqoon!…Dal-Jirka-Dahsoon!….Dal-Jirka-Dahsoon…

SHaki iigama jiro in Boqolaal iyo Kumanaan Dal-Jirka-Dahsoon ah oo difaaca Calankeenna u dhintay ay jiraan!…shaki iigama jiro kuwa badan oo Dal-Jirka-Dahsoon ah oo nool oo aan cidna garanayn inay jiraan, shaki iigama jiro Soomaali oo dhan inay Calankeeda iyo ciiddeeda difaacayso…illeen Dal-Jirka-Dahsoon waa innaga oo dhan!….anigoo marba marka ka dambeysa dareemaya jamasho weyn iyo lixo-jeclo si baaxad weyn ii saamaysay oo aan calanka u hayo, mar kastan sida uu u babanayo ay macno ii samaynayso….Bari buu u jeestaa markaasaan iraahdaa “Badda iyo Xeebaha buu indha-indheyniyaa!” Galbeed buu u jeestaa markaasaan iraahdaa “ Cadowgiisa waa ka digtoonyahay!”….kolba meeshuu u jeesto waxay ii ahayd inuu farriin gaar ah iyo tilmaan i siinayo, anigoo kalsoonida uu igu qabo iyo farxaddiisa aawgeed rayrayniya ayaan cod weyn oo aad u xooggan ku iri “Danab! Danab! Cir! Cir! DHul! DHul! Bad! Bad! Danaaaab!”..…oo in xoogaa ah sii reemay, oo mar keliya dareemay jidbo iyo qiiro!… Haddaadan ogeyn Dal-Jirka-Dahsoon waa Dadkeena oo dhan, waa dalkeen Bad iyo Berri iyo Hawab!…..Calnkeenna dhiiggii awooweyaasheen buu ku dhashay, wuxuuna ku taagnaan dhiigga kuwii dhaxlay ee hoostiisa ku dhashay!….Danab!…Danab!….Cir!….DHul!….Bad!…..

You must be logged in to post a comment Login