abaaraha
|

CAYDA & GOONI U FAQUUQA REER MUDUG IYO REER GAALKACYOOD NINBA SI KU AH

Reer Mudug waa qayb ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo leh xuquuq iyo waajibaad, sida muwaaddiniinta kale oo dalka. Intaan gobollada Soomaaliya la badin gobolka Galguduud iyo degmeda Buurtinle Mudug bay ka tirsanaayeen.

Mudug/Gaalkacyo shacabkoodu uma baahna cay, dacaayad an sal lahayn iyo gooni u faquuq siyaasadaysan, siduu ku caan baxay xukunkii millatari oo boobay talada dalka 21-10-1969.

Nasiibdarro, kacaankii dad badan buu ku dhiirriyey afkana ugu tiray cayda Mudug/Gaalkacyo, iyo waliba ku eedaynta dhibaato kasta oo ka dhacda Soomaaliya! Taasi waxay keentay in dad badan oo an aqoon taariikhda iyo xaalka dhabta ah oo Gaalkacyo isaga guda-dhacaan dhalliisheeda, taasoo noqonaysa ka hiillin kas ama kamma’a ah. Waa wixii deero dal ka geeyey.

Gaalkacyo waa magaalo Soomaaliyeed oo la wada dego. Taas macneheedu maaha in muran la galiyo taariikhdeeda iyo xaqiiqada ka jirta. Waana khalad xalna keenimayso oo isku-dir bayba noqon kartaaa, haddii la yiraahdo “war wadaaddada kala qabta”. Waa in taariikhda magaalada iyo xaqiiqada jirta laga hadlo, waa haddii la rabo xal. 

Sida magaalo kasta oo kale oo la wada dego, Gaalkacyo shacabka deggen intiisa badan baa caarad ama hoggaan ka ah ayna ka go’daa talada magaaladu, iyadoo an cidna laga duudsiyayn xuquuqdeeda derisnimo iyo muwaaddinnimo.

Tusaale:
– mar kasta oo Gaalkacyo wax laga sheego waxaa loola jeedaa ama tilmaantu dhab u qabanaysaa beesha/cidda u badan magaalada – hoggaankana u haysa,
– qofkii an xog-ogaal u ahayn faquuqii siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo xukunkii dalka inqilaabay markiiba ku bilaabay Reer Gaalkacyood ha iska aamusto,
– sidaas darteed, arrimaha Gaalkacyo siyaasad baa ku barxane iska jir.

Su’aalo iyo talo ku wajahan qofkii ay khaladaadka Reer Mudug/Reer Gaalkacyood kaliyihi u muuqdaan:
– Dembi aadami galo xasuuq iyo barakac baa ugu weyn ee ma ka dhacay Soomaaliya?
– Ma ka hadashay waligaa?
– Gobollada/magaalooyinka kale oo dalka maxaa ka dhacay ama ka jira?
– Shacabka/beelaha gobollada iyo magaalooyinka kale ma ku eedaysaa wixii ay ameeyaan
Mise Reer- Mudug/Gaalkacyood kaliya ayaad eedayn taqaan?

Talo: Qabanqaabi hadda shirweyneyaal si siman loogaga hadlayo dhibaatooyinka ugu waaweyn oo ka dhacay walina ka jira Soomaaliya – intaad meel gaar ah khaladaadkeeda isha ku hayn lahayd.

Comments are closed