abaaraha
|

Ciidamada amniga gobolka Bari oo gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyay dil shalay ka dhacay Bosaso.

IMG_5588

Ciidamada amniga gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyay dil maalintii shalay  magaalada Bosaso loogu geytay qof shacab ah iyo dhaawaca mid kale.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari gaashaanle sare Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada gacan ku dhiiglahaan.

Taliyuhu wuxuu sheegay inuu baaritaan ku socdo ninkaan oo wax laga weydiinayo sababta uu u dilkaas ugeystay iyo inuu xiriir laleeyahay kooxda Alshabab ama Daacish.

Taliyaha ma uusan bixin maclumaad intaas ka badan, wuxuuna hadalkiisa kusoo gaabiyay inuusan ka hor dhacayn baaritaanka hay’addaha amnigu ku wadaan ninkaan.

Puntlandi.com

Comments are closed