|

Ciidamada Amniga Puntland Oo Hawlgalo Ka Wada Garowe

Ciidamada amniga Puntland, ayaa magaalada Garowe ee Caasimada Puntland si habsami leh uga wada hawlgalo kala duwan.

Waxaa ciidamadu ay baartaano ka sameeyaan magaalada, waxaana gudaha magaalada Garowe laga dareemayaa hawlgalo anmiga kor loogu qaadayo.

Waxaa hawlgalka ka socda Garowe uu kuso beegmayaa xilli Puntland ay u diyaargaroobayso inay dhowaan u dabaaldegto sanadguuradii 19-aad ee Aasaaskeeeda, sido kalena la filayo inuu Puntland yimaado Madaxweyne Farmaajo.

Saraakiil ka tirsan dawlada oo la hadlay Puntlandi, ayaa sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada ay ciidamadu kor ugu qaadayaan amaanka Caasimada.

Dhinaca kale, waxaa maamulka degmada Garowe ay wadaan hawlgalo ay Waddooyinka Garowe ku bannaynayaan, waxaaan uu bilowday maalintii shalay.

www.puntlandi.com.

Comments are closed