abaaraha
|

Ciidamada magaalada Gaalkacyo isku horfadhiyay oo la kala durkiyay.

Waxaa galabta si rasmi ah loo kala durkiyay ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo ciidamada maamulka Galmudug ee Cadaado, kuwaas oo isku horfadhiyay duleedka koonfur galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Tilaabadaan ayaa tmid kadib markii dowladda Puntland ay ogolaatay in ciidamada lakala geeyo masaafo kala durugsan, maadaama markii hore ay ku adkaysatay inaan ciidamada la kala qaadin, sababo la xiriira ineysan jirin wax damaanad ah oo cadeynaya n ay Maleeshiyaadka Xaafada Baraxley Joojinayaan Weerarada iyo hubka ay kusoo tuurayaan xaafada Gaalkacyo.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda labada dhinac ayaa ku sugnaa goobta labada ciidan lagu kala durkiyo oo ahayd kantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu kala qaatay balamo adag.

Fahafaahin iyo sawirro goor dhow la socda.

 

 

 

 

 

Comments are closed