|

Ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisom oo soo fargaliyey xalinta khilaafka Galmudug kadib markii ay Dawlada Federaalka ahi ku fashilantay

Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom ayaa soo faragaliyey xalinta khilaafka qalafsan ee ka aloosan maamulka Galmudug kadib markii Dawlada Federaalka ee Somaaliyeed ay ku fashilantay in xal siyaasadeed u raadiso khilaafka ka dhex jira masuuluyiinta ugu sareeysa ee maamulkaas.

Taliyaha Ciidamada Amisom Qeybta Jabuuti ee degan Gobolka Hiiraan Jeneral Cusmaan Subagle ayaa sheegay in ay Ciidamo Amisom ah geyeen Magaalada Cadaado, dibna u fureen Garoonkii Dayaaradaha ee Cadaado.

Jeneraal Subagle ayaa ugu baaqay dhinacyada is-hayaa in isafgarad Siyaasadeed ku dhameyaan xurgufta ka dhex aloosan maamulka Galmudug.

Faragalinta Siyaasadeed iyo mida Ciidan ee Amisom ay ku furtay Garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ayaa dhirbaaxo siyaasadeed iyo fadeexad ku ah dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo sheegata in Taliska Ciidanka Qeybta 21aad iyo Ciidanka Nabadsugida ee NISA ay ka joogaan degaankaasi ay gabtay waajibaadkeedii Dastuuriga ahaa ee farayey in ay xal siyaasadeed u raadiso khilaafka lagu tuhmaayey in ay abuurtay Dawalda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ka aloosan Maamul Goboleedka Galmudug.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa wakhtigan xaadirka la baaxa degeysa Mowjado siyaasadeed oo aad u qalfasan oo ay ka mid yihiin Saluugii Shacbi ee ka dhashay sida ay Dawladu u maareysay arintii Qalbi-dhagax, sidoo kale loolanka iyo kala jiidashada Dalalka Carbeed eexiisada Khaliijka, Khilaafka iyo xiisada ay Dawladu ka abuurtay maamulka Galmudug iyo ugu danbeyn caawaqib xumada ka dhalan karta saldhigyada Milatary dawladaha shisheeye ka furanyaan Somaaliya iyo culeyska amni ee ay ku soo kordhisay mandaqada geeska Afrika.

Dowlada waxaa looga fadhiyey
Bal uguyaraan iney wax ka qaataan ama isku dayaan
1- Sugida amaanka Dalka iyo kan Caasimada ee Muqdisho
2- la dagaalanka Kooxaha Argagixisada
3- Wax ka qabashada Duruufihii ay rebeen Abaaraha Dalka ka dhacay.
4. Dhameystirka iyo dibu habeynta Dasuurka Dalka.
5.Dibu heshiisiin guud oo loo sameeyo ummada Somalia.
6. La dagaalanka Musuqmaasuqa

Isku soo wada duuboo waxaa muuqta in dhalinyaro socod barad ah oo uu hogaamiyo Agaasimaha Maxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasiin oo waxoogaa lacag ah ka soobqaad-qaada dalja Qadar ay hagayaan xaalada qalfasan ee Siyaasada Dalka,isla markaana ay u muuqdan kuwo uga sii darayaan xaaladii murugsaneyd ee dalku ku jiray 27 sano ee ugu danbeysay.

Puntlandi
Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login