|

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dil Geystay

Ciidamada Puntland, ayaa gacanta ku dhigay Askari dil u gaystay Askari kale oo ka tirsanaa ciidanka Puntland, waxaana uu dilku ka dhacay Deegaanka Ceeldaahir lo hoostaga degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dilka ayaa yimi ka dib markii gacan ku dhiiglaha dilka geystay uu Rasaas furay, xilli uu Isbaaro u dhigtay gaari qaad waday oo u socday magaalada Boosaaso.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cabdi Xakiin Yuusuf Xusseen oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in dawlada Puntland ay talaabo ka qaadi doonto dadka caadaystay inay Isbaaro u dhigtaan Gawaarida Qaadka.

”Marxuumka dhintay wuxuu la socday gawaariga Qaadka qaada oo uu safar ahaan uso raacay, isagoo doonayay inuu kaga dago Kaantaroolka, ka bacdina ninkaas ayaa xabada lahaa, waana ku dhacday, waana dhintay” Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray”…..Ciidamada iyo dadka kale ee Isbaarooyinka dhiganaya ama Hantida kale u dhiganaya ay ka waantoobaan, hadda ka dib uma dulqaadan doono, qaadku wuxuu ka mid yahay Hantida ganacsato ay laso dagaan, dawladu waa Canshuurtaa wuxuuna ka mid yahay Badeecadaha la Canshuuro”.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cabdi Xakiin Yuusuf Xusseen, ayaa sheegay in dawladu ay go’aan deg deg ah kaso saari doonto dhacdooyinkan kuso noqnoqday Wadada isku xirta magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

”Haddii ALLE idmo, Hay’adaha amniga oo dhan go’aan deg deg ah ayay kaso saaraysaa, waana la arki doona, in dawlad la ahaado, dadkana Wadada lagu furto ma suuragalayso, intaas ka badan dawladu dulqaad uma samayn doonto” Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Askariga dilka gaystay ayaa Laamaha amnigu ay sheegen inay u gudbinayaan Jeelka wayn ee magaalada Boosaaso.

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed