|

Ciidamadii Emaaraatku tababareen Dhamaan Waxaa lagu wareejiyey Dowlada Federaalka 1 Novembar 2017

Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Mudane Xasan Kheyre ayaa ka gudoomay Safaarada Emaaraatka dhamaan Ciidankii ay Dowlada Emaaraatku ay tababareen, Waxayna Ciidanka wareejiyeen 1dii Novembar 2017.

Ciidankasoo ahaa kuwa si khaasa loo tababaray, waa kuwa ugu tababarka wanaagsan marka la barbar dhigo Ciidamada Wadamada kale iyo Amisom ay tababareen.

Sargaal ka tirsan Ciidankas oo la hadlay Puntlandi wuxuu xaqiijiyey in dhamaan Ciidankaas ay hada ku jiraan gacanta Dowlada lagasoo bilaabo bishii Novembar.

Sargalku wuxuu kaloo noo xaqiijiyey in Qayb kamid ah Ciidankaas oo meel gaara la dajiyey ay si gaara uga amar qaataan Raysal wasaaraha halka qaybtii kale lagu wareejiyey Taliska Ciidanka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo xafladii Ciidanka ay Emaaraatku ugu wareejiyeen Raysal Wasaare Kheyre.

You must be logged in to post a comment Login