|

Ciidanka Booliiska Bosaso oo qabtay mandooriye Xashiish ah oo lagasoo qaaday Galmudug iyo raggii watay.

Boosaaso Ciidanka amniga gobolka Bari, ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay maandooriye Xashiish ah  oo lagu qabtay kantaroolka magaalada Bosaso

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Raggii waday iyo maandooriyahan oo la sheegay in uu dhan yahay 2 kiilo xashiish ah iyo shaqsiyaadkii waday oo kasoo qaaday Galmudug

Guddoomiyaha gobolka Bari iyo Taliyaha qeybta Booliska ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay maandooriyahan.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlayey howlgalka lagu qabtay maandooriyahan ayaa sheegay in ay dab qabadsiin doonaan maandooriyahaan isla markaana ragga lagu qabtay loo gudbin doono maxkamad.

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray shaqsiyaadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, wuxuuna sheegay in ciddii lagu qabto ay la kulmi doonto ciqaab adag.

Taliye Cabdixakiin ayaa sheegay in ciidamadu si weyn u feejigan yihiin isla markaana aysan suurtagal ahayn in si dhuulaameysi ah mukhaadaraad loo soo gelin karin mukhaadaraad.

Puntlandi.com

Comments are closed