|

Ciidanka Dawaariishta ee ku sugan Karin iyo Yalho oo burburiya farriisimo argigixisadu lahaayeen.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aagaga Karin iyo Yalho ee Gobolka Bari ayaa hiirtii Waaberi ee Saakay h owlgal ka sameeyey aagagaasi.

Howlgalkan oo ahaa Mid horey Loosii Qorsheeyey ayaa Kooxo Alshabaab oo Aagagaasi ku dhuulaamaalaysanayay Lagu Baacsaday, iyagoon fariisimo Kooxda Alshabaab ah Deegaamadaasi ku lahaayeen gebi ahaanba la burburiyey.

Howlgalkan ay ciidanku saakay sameeyeen ayuusan ka dhalan wax khasaare Ah, iyadoona kooxdii aagaagaasi ku dhuumaalaysanayay ay xarumihii ay ku sugnaayeen ka carareen.

Ciidanka  Daraawiishta ee Aagaga karin iyo Yalho ayaa ah Ciidamo Har iyo Habeen usoo jeeda, iyagoona inta badan sameeya Weeraro iyo difaac joogto Ah.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login