|

Ciidanka difaaca Puntland oo fashiliyay weerar maleyshiyada Galmudug la damacsanaayeen Seyladda Gaalkacyo

 


Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa xalay fiidkii fashiliyay isku day maleyshiyada Galmudug ku doonayeen inay ugusoo gudbaan dhinaca Seyladda magaalada Gaalkacyo.

Sargaal katirsan ciidanka amniga ayaa Puntlandi u sheegay inay ciidanku ka hortageen maleyshiyadaan oo waday qorshe ay kusoo weeraraan Seylada Gaalkacyo.

Is rasaasayn kooban kadib, maleyshiyada Galmudug oo la kulmay khasaare dhimasho iyo dhaawacyo ayaa markii dambe dib ugu laabtay xaafada Baraxley oo ay markii hore kasoo tilaabeen.

Ciidanka Puntland wax khasaare ah kamasoo gaarin iska hor imaadkaan.

Puntlandi.com

Comments are closed