|

Ciidanka PSF Puntland oo qabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay Shabaab katirsan yihiin.

Ciidanka Amniga Puntland PSF ayaa hawlgal ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow.

Hawlgalkan ayay ciidanku ku soo qabteen 3 nin oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland,

Raggaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka Amniga Puntland si loo mariyo baaritaano.

Ciidanka Amniga Puntland waxaa ka go’an in ay Puntland nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxaha cadowga ah ee ku soo duulay.

You must be logged in to post a comment Login