abaaraha
|

Ciil iyo Cadaawad la qarsan waayey : – Wariye Somali ah oo u shaqeeye Aljaziira oo Tartankii Ciyaaraha maamulada ku tilmaamay “Xeryo Qabiil “

Waxaa maalintii shalay garoonka kubada cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey taratankii ugu horeyeye ee kubada cagta ee ay ku loolamaan inta badan maamulada dalka ka jira,iyadoo ciyaartii ugu danbeysay ee tartankaas lagu soo xiray ay dhexmartay maamul goboleedada Somaaliyeed ee Puntland iyo Jubbaland,iyadoo koobkiina sannadkan uu u gacan galay oo guushii raacday kooxdii ka soctay Dawlad goboleedka Somaaliyeed ee Puntland.

Farxadaa iyo reyreyntaa uu tartankaasi ku soo gabagaboobay iyo fursadaa taariikhiga ah ee dhalinyaro Soomaliyeed oo muruqa iyo maankaba ka caafimaad qabtaa isku arkeen dad bay dacar iyo qaras maarooway oo miyirka iyo maankiiba ka qaaday ay ku kacday.

” Ogoobey nin libin kaa xistiyey;Xumihii waa yaab “

Waxa la ciyaarayey ee Jubbaland iyo Puntland finalka isugu soo baxeen in ay Football tahay dadka qaar baa iloobay oo sheydaan u sawiray Saldandii dalka iyo dhaxalkii awoowgood in lala tegay.

Waxaase yaab laheyd markii nin wariye Somaali ah oo u shaqeeya warbaahinta dalka Qadar laga leeyahay ee Al-Jaziira oo lagu magacaabo Hamze Mohamed uu bartiisa uu ku leeyahay Social media ah (Fecebook) uu soo dhigay qoraal caro aad u weyn iyo naceyb uu ka muuqdo,isagoo gaaray xitaa inuu maamuladaa Somaliyeed ku tilmaamo ku Ethopia iyo Kenya dhisteen,isla markaana uu ku tilmaamay in ay wax laga xumaado tahay in xeryo qabiil isu hanbalyeyaan !!!!!!!

” Hashu maankeyga gadee,ma masaar bey liqday,ma Football baa laga xanaaqay,mise masaakiinta Puntland baa loo ciil qabaa “

Waa Aflagaado iyo meel kadhac aan la qaadan karin marka wariye u shaqeeya Al-Jaziira uu dawlada Puntland oo shacbigeedu dhisteen 01.08.1998 uu ku tilmaamo maamul Ethiopia iyo Kenya dhisteen,isagoo sidaa si la mid ahna meel kadhac weyn u geeystay shacbiga Jubbooyinka oo naf iyo maalba u huray nabadeynta iyo dhisida maamulka Jubbaland.

Waxaa isweydiin mudan shakhsiga gadane- ha ah ee afkaartaa isir naceybka ah aaminsan,isla markaana qarsan kari waayey sidee loogu kalsoonaan kara warbixinada iyo faalooyinka uu ka diyaariyo xaalada Somalia ee uu u gudbiyo hayada warbaahinta Al-Jaziira ee uu u shaqeeyo?

Waxaa kaloo yaab oo yaab leh goobta uu wariyahu qoraalkiisa kooban ku soo bandhigay in ay faalooyin ku darsadeen shakhsiyaad badan oo mihnada warbaahinta Soomalida ku dhex jira,kuwaas oo ay ka soo burqaneyso garasho xumo mug weyn iyo caadifad qabiil oo ku raacsan Wariye Hamze fikrardiisa naceybka ku saleysan ee ah “Xamar mooyee dalka intiisa kale waa xaraan,oo Axmaaro iyo Kenya ayaa u talisa “

Ogow Wariye Hamza Mohamed isagoo huwan oo ku soo dhuumanya magaca warbaahinta Al-Jaziira, isla markaana hagardaamo u weheliso ayuu si joogto ah u yimaadaa degaanada dawlada Puntland,kana diyaariyaa,isla markaanaa ka diraa Barnaamjiyo dhinaca ka raran, oo meel ka dhac iyo xumaato ku ah Dawlada Puntland iyo shacbigeeda,mana jirto ilaa hadda hayad ka mid ah hayadaha sirdoonka iyo nabadgalyada Puntland,ama wasaarada warfaafinta oo ku baraarugsan ka war qabka iyo la socoshada kooxahaa argagixisada la shaqeysta ee huwan magaca warbaahinta ee dalka maalin walba sida habqanka ah ugu soo qulqulaya,kana fushanya danta ay leeyihiin.

Dawlada Puntland iyo shacbigeedba waxaa waajib ku ah in ay si wadajir u ilaashadaan amaanka iyo nabadgalyada degaankooda,isla markaana maanka ku hayaan,fiiro gaar ahna u yeeshaan khatarta iyo waxyeelada cadowga xijaaban,ee indho shareerku u xiran yahay,ogowna sidii shalay Xildhibaan argagixisa ahi isu qarxiyey,in ay jiraan wariyayaal,cilmibaarayaal,macalimiin,ururo bulsho oo dhamaantood la fikir ah argagxisada ama ka sii fog marka loo eego naceybka ay u qabaan Puntland iyo Shacbigeeda.

Qoraalkii Facebook ee Hamze Mohamed
20160727_171159

Report dhinac ka raran oo Hamze hore Puntland uga sameeyey

Comments are closed

aet