abaaraha
|

Xog Cusub– Madaxweyne Farmaajo oo markuu la wareego Villa Somalia Soo saari doona Wareegto deg deg ah , Kulana la qaadan doona Kenya iyo Reer Galbeedka, Maxay tahay wareegtadu

farmaajoIllo Wareedyo la hadlay Puntlandi oo aad ugu dhow Madaxweynaha ladoortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noo xaqiijiyey in talaabada kowaad ee Madaxweynuhu uu qaadi doono Markuu Villa Soomaaliya lavwareego ay tahay kulan Deg Dega oo uu la yeelan doono Safiirada Kenya iyo Kuwa Reer Galbeedka ee Soomaaliya jooga.

Sida aan wararka ku helayno ajandaha kulanka wuxuu noqonayaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee Qurbaha jooga.

Madaxweynuhu wuxuu farta ka saari doonaa Safiirada wareegto Qaran oo lagu hakinayo Dhamaan heshiisyadii ay Xukuumadii Xasan Sheikh la gashay qaar ka mid ah Wadamaan wareegtadaasoo ku saabsanayd in Soomaaliya aan lagusoo celin karin Qaxootiga Soomaaliyeed,

Sida Puntlandi xogta ku helay Madaxweynuhu wuxuu wadamadaan u sheegayaa in aysan Soomaaliya xiligaan diyaar u ahayn in loosoo cesho Qurba joogta Amaanka Dalka awgiis.

wareegta Madaxweynuhu Soo saari doono waxay si Cad u hor istaagaysaa heshiis hoosaad ay WADA saxiixdeen Je.Cabdullaahi Gaafow oo xiligaan ahaa Agaasimaha Socdaalka Soomaaliya iyo dhowr wadan oo Yurub ah, Heshiiskaas intuu hirgalay waxaa si jajuub ah ay wadamada Yurub usoo cesheen 16 Soomaali ah, Kuwasoo lagasoo ceshey Denmark, Sweden iyo Holland.

Puntlandi.com
Muqdisho

Comments are closed