|

Culumada Puntland Maxay Ka Yiraahdeen Dagaalka Gaalkacyo?

Culumada Puntland ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan Colaada mar kale kaso cusboonaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Sheekh Daahir Awcabdi oo ka mid ah Culumada la hadashay Saxaafadda ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Colaada.

‘’Waxay Culumada Puntland, gaar ahaan kuwo jooga Boosaaso ay baaq Nabadeed u dirayaan dadka ku dagaalamaya Gaalkacyo haday maamulo yihiin iyo haday Qabaa’il yihiin, horay ayaan uga hadalnay dagaalka, Ummadda Islaamka ah ee diriska ah ee walaalaha ah waxaan leeyahay ha joojiyaan dagaalka’’ Ayuu yiri Sheekh Daahir.

Wuxuu intaas ku daray‘’……..Waxaan EEBE ka rajaynayaa in dadka walaalaha ah ay na dhagaystaan oo ay dhegtooda u raariciyaan baaqayaga, labada maamul ee Galmudug iyo Puntland waxaan uso jeedinayaa Soomaali dagaal waa ka daashay, dagaal hadduu qiimo leeyahay ama wannaagsan yahay waan haynaa natiijadiisa’’.

Sheekh Daahir ayaa sheegay in natiijo aan wannaagsanayn horay looga dhaxlay dagaaladii Sukeeye, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga waantoobo.

‘’Soomaalidu waa dad dhibaato badan ay gaartay oo caalamka ku fariirsan, waxaa halkaa geeyay waa Xabad, xabadii noocaas ahayd in maanta dib loso celiyo waa nasiib daro, waxaan labada maamul ku dhaartay inay Ummadda dhiigooda ay badbaadinayaan inay dagaalamaan wax wannaagsan ma aha’’ Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Baaqa Culumada Puntland ayaa kuso beegmaya xilli dagaalo goos goos ah maalmihi ugu dambeeyay ka dhacayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed