|

Daawo : – Gudoomiyaha Aqalka Sare ” Waan khaldamay, Madaxweynahaa igi yiri Kismaayo ha tagin ” Waa Yaabe, maxuu markaa Garoowe ka doonay !!! Madaxda Hayadaha Dastuuriga ahi waa Shaqaalaha Madaxtooyada


Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dawlada Federalka Somaaliyeed Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulankii mudanyaasha Aqalka sare ee qabsoomay maalintii Axada ee 22.10.2018 ka horsheegay in khaldaad uu isagu si shakhsi ah uu u galay ay coryaamisay shirarkii iyo Ajandayaashii golaha.

Gudoomiyaha ayaa qirtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor joogsaday golihiisa , oo uu u diiday in xubno wefdi ah oo dhexdhexaadin iyo isu soo dhaweyn ka sameeya khilaafka Dawlada iyo Maamul Gobeleedada ay u diraan Magaalada Kisaamyo,halkaas oo uu ka socday shirkii Madaxda Maamul Gobaleedada Somaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa aqbalay talabadaa fargalinta ku ah Waajibaadka Dastuuriga ah ee Aqal sare ee uu sameeyey Madaxweynuhu, taas oo xadgudubka iyo meel ka dhaca ku ah qodobda Dastuurka ee sida cad u qeexaya kala madaxbnaanida awoodaha ee Hayadaha Dastuuriga ah ee Fulinta, Garsoorka iyo Sharci dejinta.

Waxaa nasiib daro ah in qaran colaad, burubur iyo dagaalo sokeeye ku jiray 27 sano ay madaxda sare ee dalka weli wax ixtiraam iyo xushmad ah u heyn xeerarka iyo shuruucada Dalka u yaal.

Sidoo kalele wax muuqata oo cudur aan daawo laheyn oo karoonig (Chronic) ah noqtay in mar walba iyo xukuumad kastaa, ay isku milmaan, oo ay wadashaqeystaan madaxada ugu sareysa ee Hayadaha Dastuuriga ah ee Dalku, taas oo u muuqta in hogaanka labda aqal ee Barlamaanku ay noqdaan kuwo u nugul,oo laga hago xarunta madaxtooyada Villa Somaaliya.

Waxaa isweydiin mudan marba haddii gudoonka labda Aqal ee Barlamaanku aanay u madaxbanaaneyn shaqada golayaashooda, horena looga horjoogsaday in ay kicitimaan magaalo Somaaliyeed oo ah kismaayo, si ay u gutaan wajibaadkoodii dastuurku faraayey ee ahaa in ay xal iyo isafgarad ka dhex abuuraan khilaafka ba’an ee u dhaxeya Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedada.

WAA MAXAY WAX ISKA BEDELAY EE AY MAANTA GAROOWE KA DOONEEN !!!, ILEEN SHALAYBA KISMAAYO WAA LOO DIIDEE !!!! MISE WAXAY WADAAN FARIIN MADAXTOOYADA LAGA SOO DHIIBAY OO AY GAARSIINAYAAN MAAMULKA PUNTLAND.

Xaalka Somaaliya ay ah mid Jeenyo-Daalis ah, oo marba kooxdii Xukunka haystaa ay ku shaqeysto, iyadoon aan waxa ixtiraam iyo xushmada ah u hayn danta dalka iyo dadka iyo guud ahaa shuruucada iyo xeerarka dalka u yaal.

Halkan ka Daawo Hadalkii Gudoomiyaha Aqalka Sare uu ku sheegay in Madaxweynahu ka horjoogsaday Safarkii Kismaayo

You must be logged in to post a comment Login