abaaraha
|

Daawo Guulwadeyn iyo Somali yaa u garnaqi : – Xildhibaanadii Federaalka ee Passport-da Ingriiska haysta oo maanta saf u galay u rax-raxleynta Xoghayaha Dibada ee Ingriiska Boris Johnson

Somaali iyo Guulwadeyn yaa u garnaqi doona

Soomaaliya qofkii rajo ka qabay in ay sharafyeedii iyo dawladnimadeedii dib u soo yagleesho ha ogaado in aan waageedii weli beryin.

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Ilaahay ninkuu Geel la damco,marka hore dadkii dhaqan lahaa buu siiya

Booqashadi maanta uu magaalada Muqdisho ku yimid Xoghayaha Arimaha Dibada ee Dalka Ingriisku Boris Johnson waxay marada ka feyday, oo kashiftay damiir xumid qaar ka mid ah Xildhibaanada Dawlada Federaalka ee Somaaliyeed ee haysta dhalashada Dalka Ingriiska,kuwaas oo saf dheer u galay soo dhaweynta iyo u marxabeynta Wasiirka Ingriiska ah.

Waxaa yaab leh Xildhibaanadan ma waxaa loo doortay in ay u adeegaan shacbiga Somaaliyeed mise waxay wakiilo iyo wardoon u yihiin Dawladaha ay dhalashadooda wataan !!!!!!

Somaaliya maanta waa Cidna uma maqana,Ceela uma qodna

Ceebtii maanta dhacday Xildhibaano safka dheer ugu jira salaanta Boris Johnson

You must be logged in to post a comment Login