|

Daawo Hambalyo DJ Zubeer 20 years anniversary : – Never in History of Somali Music 2350 Daawade iyo 60 Fanaan oo Xalay Magaalada Gothenberg-Sweden Xafalad sogootin ugu sameeyey Al fanaan DJ ZUBEER


In ka badan 2350 daawade qof oo Somali iyo Swedish ah iyo ugu yaraan 60 fanaan ayaa habeenkii xalay ahaa ee 11.11.2017 Magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden xaflad weyn oo si qurux leh loo soo abaabulay ku sagootiyey DJ weyn ee Somaaliyeed Zubeer Xirsi oo mudo 20 sano oo uu fanka ku soo jiray xalay soo gabagabeeyey.

Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandi ayaa DJ Zubeer ugu hambaleynaysa dadaalkaa uu muujiyey mudadaa dheer ee 20 ka sano ah ee uu ku soo jiray fanka soomaliyeed.

Waxaa kale xusid iyo hambalyo mudan sida quruxda iyo karaamada mudneyd ee DJ ZUBEER uu xalay u marti galiyey una soo bandhigay xaflad heer caalami ah ama Festival Somaaliyeed oo kulmisay 2350 daawade iyo 60 fanaan oo ka kala yimid dunida dacaladeeda, taas oo ku soo dhamaatay si farxad iyo nabadgelyo ah.

Warbaahinta Dalka Sweden ayaa amaan kula dul dhacday, ku tilmaantay Somali Music Festival kii ugu weynaa uguna qurux badnaa taariikhda ee dad Somaali ahi ku qabtaan dalka Sweden

You must be logged in to post a comment Login