|

Daawo Heestii ” Maskax gabanaa ” : – Fadhi ku dirirka reer Puntland ee Talabadii horumar ee la qaadaba taagada u arka , waa in loo tilmamaa halkay ” BOOGTU KAGA TAAL ” waa Daneysi iyo hebel baan necebahay kaliya, OGOW PUNTLAND BAA KA WEYN

Qoraa Somaaliyeed baa laga hayaa ” Qof garashada ka liita oo aqoon sheeganya oo qaraabo kula ah waxa ka roon qof garasho iyo waxtar fiican oo shisheeyaha ah.

Sidoo kale waligeed ma dhicin cadoow qof iyo qaran wax yeela isagoon wadan garaad xume dadkiisa ka mida.

Waxaa waayadan dambe shacbiga Puntland ee gudaha iyo Dibadba ku sugan ku soo kordhay shakhsiyaad,kooxo iyo golayaal fadhi ku dirir ah oo ay horbodayaan shakhsiyaad qaarkood aqoon sheeganyaan, qaar ku maxaabsada in ay leyihiin waayo argnimo siyaasadeed iyo mid maamul.

Dhamaan kooxahaasi ayaa caan ku ah hagardaameynta iyo wax ka sheega shakhsiga ah ee hogaamadii siyaasadeed ee hogaanka Puntland isaga dambeeyey.

Kooxahan fadhi ku dirirka ayaa habeen iyo maalinba afka abur ka daadinaya, kuna mashquulsan balaayo abuur iyo brobogaando rakhiis ah.

Waa kooxo badankoodu aan dalka iyo dadka wax taariikh ah la wadaagin, wax dalka degen kuma jiraan, haddii mid mid ka joogna waa maqanayaal jooga oo aan dadka iyo dalka wax dareen ah u hayn.

Kooxhani hebel mucaarada oo ceebeya mooye ma laha wax agenda siyaasadeed iyo mid dhaqaale ah oo waxtar u ah dadka iyo deegaanada Puntland.

Waa kooxo lagu sifeyn karo ” Afka nool, Itaal Baranbaro” awood iyo karti waxtar iyo waxqabad ma laha, Gurmad Abaar, mid difaac iyo mid dood siyaasadeed ah waligood waxba kama taraan,lakiin maaweelada iyo u hanqal taaga xukun iyo daneysi shakhsi ah waa ku xarfaan,ninkii Puntland madax u noqda ee ay wax ka waayaana waa u dagaal iyo cebeyn.

Waa nasiib daro in dad aqoon sheeganayaa ay kala garan waayaan shakhsi iyo danta iyo maslxada guud ee Shacbiga Puntland.

Carabta waxaa laga hayaa ” HAATI BURHAANKA ” Kooxda dhaliisha iyo balaaya sheega habeen iyo maalin ku mashquulsan maxaa u diiday in ay dalkii iyo dadkii ku soo noqdaan oo la yimadaan Barnaamjiyo Siyaasadeed iyo mid horumarineed,toosin maamul,shaqo abuur,isku tashi oo dalka iyo dadka noloshooda kor u qaadi kara.

Lakiin ha ogaadaan Adeerayaal haday iyaga dheel dheel ka tahay iyo dad istus,isla markaana dhuunta oo baxsada marka mid iyaga ka liitaa Puntland iyo shacbigeeda wax ka sheego , Anagga waa noo dhaxalkii Awoowgeen oo maxsatayadii iyo mindhiciradayadii baa yaal,waanuna u tagnaaneynaa oo dhimaneynaa difaaca Puntland iyo shacbigeeda mar walba NO MATTER yaa shalay, maanta iyo Beri xukumi doona.

XAMIL WARANKA PUNTLANDI WAA PUNTLANDER FOR EVER

You must be logged in to post a comment Login