|

Daawo Heshiiska : – Kooxdii Cali Khaliif oo si rasmi ah isugu dhiibay Maamulka Somaliland


Cali Khaliif oo deg degaya, sugna waayey saxeexa Siilaanyo

Wadahadalo cagajiid ahaa oo mudo u socday Kooxda yar ee Cali Khaliif iyo Maamulka Somalliland ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyey Degmada Caynaba.

Nuxurka iyo warmurtiyeedka shirkaas ayaa lagu muujiyey in Kooxadii uu hogaaminaayey Mudane Cali Khaliif Galeyr ay si rasmi ah ugu biirtay Maamulka Somaliland, iyadoo qalinka lagu duugay heshiis ka kooban lix qodob, oo ay ka mid yihiin in lawada ilaaliyo midnimada Somaliland iyo in Ciidamada Kooxda Cali Khaliif la qarameeyo.

Qodobada heshiiska laguma muujin wax uu noqonyo mustaqbalka Siyaasadeed ee Mudane Cali Khaliif Galeyr, iyo magaca loogu yeeri doono, mar haddii kooxdii uu hogaaminaayey heshiisku dhigayo in si rasmi ah loo kala diro.

Heeshiiska la kala saxeexday ayaa ku soo beegmay maalmihii ugu danbeeyey Maamulka Madaxweyne Siilaanyo,iyadoo deegaanada Somaaliland u ka bilowday ololaha doorashooyinka madaxtinimada Somaliland,

Heshiiska ayaa u muuqaday mid deg deg ah, iyadoo dhincayada heshiiska gaaray ay dareen culus ka qabeen hogaamiyaha loo badinayo inuu talada dalka la wareegayo ee ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muse Biixi,kaas oo aad uga soo horjeeda wadahadalada Somaliland kula jirtay Cali Khaliif.

Mudane Muse Biixi oo gacan saar weyn la leh Siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee ku jira Maamulka Somaliland, ayaa aaminsan, mar walbana ku celceliya in wadahadalada lagula jiro kooxada Cali Khaliif yihiin kuwo w wakhti lumis ah, isla markaana ay Kooxda Cali Khaliif yihiin koox garab-rarato ah oo aan metelin Masiirka Shacbiga degaanadaas

Halkan ka akhri qodobada ay ku midoobeen Kooxda Cali Khaliif iyo Maamulka Somaliland

1- in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.

2- In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa

3- in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.

4- in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha Somaliland.

5- In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.

6- In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle

Halkan ka daawo gunaanadka Heshiiska

Comments are closed