abaaraha
|

Daawo Ila qosol iyo Kaftan : – M/weyne Farmaajo ma Jinn buu lahadlayaa,mise Seediyadiisa ku hereerysan kaliya !! , Balanqaadyadiisa musalsalka ah, Waaqac dalka ka jira iyo lataliyaashiisuna kala dheeraa


M/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maanso Jacbur ah : –

Dawladdeennii Febraayo
Fikir maanso yar gaaban
Bal aan faallada maanta
Fasiraad ku tilmaamo.

Xasan baa filanwaaga
Fixdii ay ka dhammaatoo
Oo Farmaajo ka yaabban

Fahiimaa amakaagsan
Keligeed fekeraysa
Siday Faay udadaashay

Falli-waallida taagan
Gaaskii feedha ka naaxiyo
Fatty baaba u jiibin

Siilaanyaa feleg daawan
Shukraa maal farraqaysa
Hudaa yaabban falaadka

Isagoo firka-boodsan
Cosoblaa falfalliirka
Fuud abeeso ku dhuuqi

Fiqigii Jubaland iyo
Madoobaa fekeraaya
Oo la yaabban fasaadka

Fanna-cuudu Billaahi
Shariif baa la faquuqay
Oon fagaaraha joogin

Geeldoonbaa filanwaaga
Sida fiinta kaliisha
Fajacii u dhawaaqay

Faysal baa amakaagga
Foorihii Jigjigaad iyo
Fiyaanbiiro ka duulay

Anoon faalladan gaaban
Cidna aan ku faduulin
Fekerkayga ma dhiibtay?

Halkan ka daawo Majaajiladan :

By: Ila qosolkii Puntlandi iyo Jacburkii Maxamed Ibraahim

You must be logged in to post a comment Login