|

Daawo Muuqaal kaa ilmaysiin doonaa+Caawi walaal gabadhaan yar ee caloosha biyuhu uga furan yihiin.

Faadumo Maxamud Maxammed Waa saddex sano jir ay dhaleen qoys danyar ah,waxayna in muddo ah la il-darrayd cudur ka hayaa dhanka caloosha oo marba marka kasii dambaysa ku sii fidaya,kaasoo ku dhacay,xilli ay da’deedu ahayd lix bilood.

Waalidka gabadhaan oo awalba danyar ahaa ayaa sheegay in ay u taag waayeen cudurka saqiirkaan haya,kadib markii ay dhaqaatiirta gudaha dalku u sheegeen in aanay waxba ka qaban karin.

Canab Faarax Jaamac iyo Maxamuud Maxammed Ciise oo ah waalidiinta gabadhaan yar dhalay waxay sheegeen in ay geeyeen xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalooyinka Boosaaso,Hargeysa,iyo Muqdisho,balse dhaqaatiirtu u sheegeen inaan dalka gudahiisa wax looga qaban karin.

Halkaan ka daawo Muuqaalka gabdha yar ee tabaalaysan.

Kala Xiriir:00252907344534  Canab Faarax Jaamac hooyada gabadhaan,ama 00252907672714 Maxamuud Maxammed Ciise aabbaha.

 

Comments are closed