|

Daawo Sawirada Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Dooni Waday Hub Sharci-daro Ah

Ciidamada Puntland, ayaa gacanta ku dhigay Dooni waday Hub sharci daro ah, kuwaas oo isugu jira Hub culus iyo mid fudud.

Doonidan oo lagu magacaabo Al-furqaan, ayaa laga soo qabtay deegaanka Marooro oo ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, waxaana hubka laso qabtay qayb ka ahaa PKM, Bastoolado, Rasaas iyo Hub kale.

Saraakiisha ciidanka Puntland, ayaa sheegay inay soo Bandhigi doonaan Macluumaad ku saabsan Hubka, isla markaana ay wadaan baaritaano.

Waxay Saraakiisha soo bandhigay hubka ay sheegen inaysan gacan ku hayn dadkii Hubka watay oo ay baxsadeen, mana jirto wax faahfahin ah oo ay ka bixiyeen hannaanka ay u baxsadeen.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

Comments are closed