|

(Sawiro) Dekeda Magaalada Boosaaso Oo Lagu Wareejiyay Shirkadda P&O

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa maanta ka dhacay Munaasabad ay shirkadda P&O kula wareegtay Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, hogaamiye dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee wasaarada dekedaha iyo  gaadadidka badda Puntland Cabdmajiid Samatar Jaafan, ayaa sheegay in dawlada Puntland ay balaarinta Dekeda Boosaaso uu horseedayo in Dekedu ay la jaanqaado Dekedaha Caalamka.

Wuxuu intaas ku daray in shirkadda lagu wareejinayo maamulka Dekeda, isla markaana ay ka shaqaynayaan balaarinta Dekeda oo noqon doonta mid ay kuso xirtaan Maraakiib waawayn oo Konteenaro wada.

Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in Mashruucan uu hormuud u noqon doono hormarka Puntland, isla markaana keenistiisa ay dawladu dadaal badan galisay.

Shirkadda P&O , ayaa muddo soddon sano ah maamuli doonta Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari, waxaana Mashruuca lagu balaarinayo ku baxaya lacag dhan 336 Milyan oo doolar.

Waxaa Dekeda magaalada Boosaaso ay noqonaysaa Dekedii Sagaalaad ee oo ku taala Qaarada Afrika oo ay maamusho shirkadda P&O, waana Dekeda 2-aad ee ku taala Soomaaliya oo ay maamulayso.

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa laga filayaa inay isbadal wayn uu ku dhaco, isla markaana ay noqoto Deked si wayn u shaqaysa.

Hoos Ka Daawo Sawiro Badan;-

www.puntlandi.com.

Comments are closed