|

Daawo Sawirada Isbadal Hormarineed oo Laga Dareemayo Bilicda magaalada Garowe

Isbadal hormarineed oo dhinaca Bilicda ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Magaalada ayaa laga hirgaliyay Layrar Cadceeda ku shaqeeya,kuwaas oo kor usi qaaday Bilicda magaalada Caasimada ah ee Puntland.

Layrarkan ayaa ku yaala Wadada aada dhinaca Madaxtooyada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed,waxaana Wadadan ay ka mid tahay Waddooyinka muhiimka ah ee Garowe.

Dawlada Hoose ee Garowe ayaa laga filayaa inay sido kale Layrar kuwan dhigooda ah kuso kordhiso magaalada,xilli koboc dhisme oo baaxad wayn uu ka socdo Garowe.

Sanadihii ugu dambeeyay magalada Garowe ayaa si xawli ah u kobcaysay,waxaana ay ka mid noqotay magaalooyinka Miisaanka wayn ku leh Soomaaliya.

Si kastaba ha ahate,maamulka degmada Garowe ayaa horay u balan qaaday inuu isbadal dhinacyo badan leh ku samayn doono Garowe.

Hoos Ka Daawo Sawiro;-

Garowe 1 Garowe 2 Garowe 3

www.puntlandi.com.

Comments are closed