|

Daawo Sawirada Jubbaland Oo Kulan Sagootin Ah U Sameeyay Wafdiga Federaalka

Madaxda maamulka Jubbaland, ayaa Munaasabad sagootin ah u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Golihiisa Xukuumadda oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Fannaaniin kala duwan ayaa ka qayb galay Munaasabada, kuwaas ka qaaday Suugaan kala duwan oo ay ku cabirayeen dareenkooda ku aadan sida lagu gaari karo dawladnimada Soomaaliya.

Xassan Cali Khayre ayaa Jubbaland uga mahadceliyay soo dhoweynta qiimaha badan ee ay u samaysay isaga iyo Golohiisa Xukuumadda.

Markii ugu horaysay ayaa Golaha Xukuumadda Soomaaliya ay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ku qabteen kulan ay yeeshen Golaha Xukuumadda Soomaaliya, arrintaas oo lagu tilmaamay inay bilow wannaagsan u tahay in dawlada Soomaaliya ay muujinayso inay dalka oo dhan matasho, ayna tahay Federaal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Xukuumadda ayaa safarkooda uu soo dhamaaday, waxayna dib ugu noqonayaan Muqdisho.

www.puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login