abaaraha
|

Daawo Sawirada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Xariga Ka Jaray Dhisme Loo Dhisay Naafada Puntland

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa xariga ka jaray dhisme loo dhisay Naafada Puntland, waxaana Munaasabada xariga looga jaray dhismaha ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyio marti sharaf kale.

Waxaa bixiyay dhaqaalaha ku baxay dhismaha Hay’ada Bisha Cas ee dawlada Qadar, taas oo dhismaha ugu tala gashay dadka Naadafa ah in loogu adeego.

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa mahadcelin u jeediyay dawlada dalka Qadar, wuxuu sheegay in dawlada Puntland ay ka go’an tahay inay caawiso dadka Naafada ah.

Qaar ka mid ah Naafada hogaankooda oo ka hadlay Munaasabada ayaa soo dhoweeyay dhismaha cusub, isla markaana ka mahadceliyay caawinaada loo sameeyay.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login