|

Daawo Sawirada Shirkadda Golis iyo Habeenka Saxaafadda

Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa xalay kulan casho sharaf ah u samaysay Suxufiyiinta Puntland,gaar ahaan Suxufiyiin ka tagay Garowe oo hawlo shaqo u jooga Gaalkacyo iyo Suxufiyiin u safraya wadamada Malaysia iyo Maraykanka.

Maamule ku xigeenka Shirkada GOLIS Gaalkacyo Maxamed Ciise oo ka hadlay Casho sharafta ayaa sheegay in Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis iyo bahda Saxaafaddu ay yihiin saaxiibo isu dhow,wuxuuna amaanay hawlaha muhiimka ah ee ay Wariyaashu u hayaan bulshada.

Maxamed Ciise ayaa sheegay in Golis ay si dhow ula shaqayso bahda Warbaahinta ayna diyaar u tahay inay mar walba garab istaagto Suxufiyiinta.

Suxufiyiinta ka qayb galay casho sharafta ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay shirkadda Isgaarsiinta ee Golis oo ay sheegen inay tahay shirkad uga dhow shirkadaha kale ee Ganacsi ee ka hawlgala Gobolada Puntland.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa door wayn ka qaadata hormarinta arrimaha bulshada iyo dhiiri gelinta dadka muhiimka u ah bulshada reer Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

1 2 3 4 5

www.puntlandi.com.

Comments are closed