abaaraha
|

Daawo Sawirada Tartan Suugaaneed Lagu Qabtay Gobolka Sanaag

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa dallada dhallinyarada Puntland ayaa tartan suugaaneed u qabatay 80 dhallinyaro ah oo da’doodu ka yar tahay 20 sano.

Dhallinyaradan ayaa ka kala yimid Yube, Hadaaftimo , Laasqoray , Ceelbuh iyo shanta xaafadood ee magaalada Badhan ka kooban tahay.

Suugaanta lagu tartansiinayey ayaa ku saabsanayd wadaniyada iyo Dhibaatada tahriibta , waxana kala saarayey abwaano ku xeeldheer suugaantq Soomaalida.

Dhallinyarada ayaa waxa dhaqanka suuban ee Soomaalida uga sheekeeyey odayaal iyo hooyooyin waayeel ah , una sharaxay agab Soomaali goobta lagu soo bandhigay oo gabdhaha Soomaaliyeed gacantooda ku samayn jireen.

Agaasime Deeqo ayaa bogaadisey dhalinyaradii kulanka kasoo qayb gashay sida firfircoon ay uga qaaateen tartanka , waxayna u mahad celisey dallada dhalinyarada iyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo xidhitaankii kala qayb galay ayaa si weyn ugu mahad celiyey doorka wanaagsan ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ee tartankan u qabatay dhallinyarada , sidoo kalena ku booriyey dhallinyarada iney dhulkooda jeclaadaan ku dhaqmaan ku dhistaan u dhididaan kuna dhergaan , kana fogaadaan tahriibka iyo halistiisa, kana qayb qaataan gurmadka abaaraha iyo nabad gelyada guud.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login