|

Daawo Sawiradda Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo boqolaal shacab ah kula tukaday magaalada Garowe

(Pi Garowe) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee Mire-awaare ee magaalada Garowe salaada ciida kula tagay boqolaal shacab ah.

Madaxweyne ku xigeenka oo qudbad dheer jeediyay salaada ciida ka hor ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahana kuwo reer Puntland ugu hambalyeeyay munaasabada ciidul Fidri oo maanta si wadajir looga dabaal dagayo guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna urajeeyay caafimaad iyo nabadgelyo inuu ilaaheey sanad dambe ku gaarsiiyo.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa dhinaca kale baaq nabadeed u diray shacabka walaalaha ee ku dagaalamaya gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Dharkeyngeeyo, isagoo ugu baaqay inay nabada qaataan oo ay arrintooda ku dhameeyaaan si walaaltinimo ah.

Waxaa sidoo kale madasha ciida ka hadlay Islaan Ciise Islaan Maxamed, Wasiirka cadaalada dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ummadda reer Puntland la qeybsaday farxada iyo dabaal dega ciida.

Daawo Sawiradda.

 IMG_0374 IMG_0373 IMG_0375 IMG_0376 IMG_0377 IMG_0378 IMG_0382 IMG_0389 IMG_0388 IMG_0387 IMG_0386 IMG_0390 IMG_0394 IMG_0398 IMG_0401 IMG_0404 IMG_0403 IMG_0405 IMG_0422 IMG_0411 IMG_0407 IMG_0424 IMG_0427 IMG_0428 IMG_0430 IMG_0437 IMG_0434 IMG_0433 IMG_0431 IMG_0438 IMG_0453 IMG_0467 IMG_0461 IMG_0471 IMG_0469 IMG_0476 IMG_0474 IMG_0473 IMG_0478 IMG_0488 IMG_0489 IMG_0490 IMG_0491 IMG_0492 IMG_0493 IMG_0494IMG_0339 IMG_0340 IMG_0341 IMG_0342 IMG_0343 IMG_0345 IMG_0350 IMG_0365 IMG_0367 IMG_0368 IMG_0369 IMG_0370 IMG_0371 IMG_0372

Comments are closed