|

Daawo Sawiro Horu-dhac Ah: Madaxweyne Gaas Oo Kismaayo Gaaray

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam, Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Jubbaland iyo dadweyne kale ayaa Gaas kuso dhoweeyay Kismaayo.

Wuxuu Madaxweynuhu qayb ka noqday Madaxda maamul goboleedada ee ka qayb galaya shirka Kismaayo uga furmaya dawlad goboleedyada.

Dhamaan Madaxda dawladaha Xubnaha ka ah dawlada Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xoog leh ka qabta shirka Kismaayo, inkasta oo Xukuumadda Soomaaliya ay isku dayday in la hakiyo hadana isku daygaasi ma noqon mid hubanti ah.

Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed ayaa sheegay in shirakan ay dan wayn ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqaynayan wannaaga Ummadda.

Sawiro Horu-dhac ah Hoos Ka Daawo, Warsidaha Puntlandi kala soco Wararkii ugu dambeeyay ee shirka;-

www.puntlandi.com.

Comments are closed