abaaraha
|

Daawo wareysi : – Maxaa kala qabsaday Xildhibaan Sakariye iyo Wariye Moryaan ah oo Cadaawada Puntland ee Xamar taala Riman

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Maqlaay warlaay ma laguu waramay “

Waxaad nasiib daro ah in shacbiga iyo hogaanka siyaasadeed ee Puntland ay maanta mar kale gacmahood ku qodanyaan qubuurihii iyagoo nool cadoowgoodu ku mooro duugi lahaa.

Waxaa wax lala yaabo ah in shacbiga Puntland iyo Xukuumada maanta iyo kuwii ka horeeyeyba aanay mudo 26 sano ah wax cashar iyo cibaaro ah ka baran taariikhada iyo dagaalada sokeeye ee weli dalka ka socota.

Waa wax laga naxo in hogaanka Siyaasadeed ee Puntland sheydaan u marin habaabiyey,isla markaana ilaa hadda ay ka maqan tahay in ku baraarugaan,isla markaana shacbigooda iyo dagaanada Puntland ka samto bixiyaan, oo ka gashaantaan mowjadaha cadaawada gaamuurtay ee salka ku haysa dagaaladii sokeeye ee weli ka soo burqaneysa Magaalada Muqdishu.

Mudo 26 sano ku siman waxaa hogaanka Siyaasadeed ee Puntland ku fashilmay in ay la yimaadaan xisaabtan run ah iyo ahdaaf siyaasadeed oo cad cad oo shacbiga Puntland damaanad u siinaya in aanay mar kale waajihin xaaladii foosha xumeyd sagaashanaadkii.

Waxaad moodaa in Hogaanka siyaasadeed ee Puntland iyo shacbigeedu ay gudcur madow gudayaan,isla markaana khiyaali iyo doonitaan somaalinimo oo aan cidna u ogeyn ay ku mashquulsan yihiin.

Waxaa nasiib daro ah in xisaabtan la’aan awgeed hogaanka Puntland maanta ku faano in dalku ka baxay waqtigii ku meel gaarka,iyadoo horjoogayaasha siyaasadeed ee Muqdisho weli xag garasho iyo damacoodu uu ku shaqeynaayo maskaxdii dagaaladii sokeeye 1991, taas oo dhalisay in ay dawladnimadii soomaaliyeed ay ka dhigtaan aalad ay ku xoolo iyo xoog uruursadaan, isla markaana magaca dawladnimada somaaliyeed u adeegsadaan in ay ku curyaamiyaan, kulna dagaalamaan horumarka iyo degenaanshaha shacbiga Puntland iyo guud ah midka ummada Somaaliyeed.

Waa wax lagu qoslo in maanta Madaxweyne Cabdi Weli Cali Gaas ku khudbeeyo in heshiis laga gaaray dhismaha ciidana qaranka, Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Sidi sidaada mooyaane, dhul dhacaaga hubso “ waa kuwama kuwo uu leeyahay ciidan baa la wadaagayaa ? Sow maha kuwan dagaalka kula jira Puntland habeen iyo maalinba !!!!! Mudane Madaxweyne Masaajidka ciyaarta ka daa,

Siyaasiyiinta Muqdishu mar hore bay tashadeen oo wiilashoodii waxana tababar ciidan Turkey iyo Imaaraad ugu direen, qaarna ugu wanqaleen Ciidanka Qaranka,waxyna u diyaarsadeen sidii ay shacbigaaga Puntland ugu xasuuqi lahaayeen uguna duleyn lahaayeen, markaa mudane Madaxweyne intaan laguu talin dadkaaga iyo dalkaaga u tasho.

Ugu danbeyntii shacbiga iyo hogaanka dhaqanka Puntland waxaa waajib ku ah in ay baraarugaan,oo aayahooda iyo mustaqbalkooda aanay ku haleyn shaqsiyaadka hogaanka u haya kaliya iyo xubno xildhibaano Federaal ah iyo kuwo bilaa damiir ah oo xildoon ah oo magan ku ah Muqdisho.

Hadal iyo dhamaantii nin horaa yiri ” Wallee ciridkaan u jeedo ilko kama soo muuqdaan” Wallee way cadahay in dawladnimadii somaaliyeed mar kale god madow ku dhacday oo ay dariiqii saxda ahaa ee dibu heshiisiinta iyo cadaalada ay ka leexatay, markaa waxaa shacbiga ku waajib ah inay u kacaan oo ay si adag u difaacaan masiirkooda,suurto gala ma aha in shirarka caalamiga ah ee looga hadlaayo hurumarka iyo nabada Soomaliya in ay inoo matalaan oo ay wakiil inooga noqdaan Yusuf Garaad iyo Cabdirxmaan Caynte.

Halkan ka daawo ” War dhafoor buu ku yaal ” waxaan maqli jiray ” Odayga Habarta wax loo saar ” caqli aan Puntland aheyn ma laha, ma sheydaan baa tusay !!

You must be logged in to post a comment Login