Dadaalo lagu dardargalinayo Xirfada Gacanta ee dhalinyarada oo puntland ka soconaya.
Garowe(Puntlandi.com);- Deegaanada Puntland waxaa ka jira dadaalo firfircoon oo lagu dhiirigalinayo Xirfadaha gacanta ee dhalinyarada Soomaaliyeed si ay ugu shaqaystaan ugana qayb qaataan wax soo saarka dalka.
Dadaalkan waxaa qayb weyn ka qaadanaya Macaahida iyo ururada Wadaniga ah ee gudaha dalka ka hawlgala iyagoo kaashanaya Hay’adaha caalamiga ah iyo wadamada dhaqaalaha ku deeqa, waxaana Magaalooyinka puntland intooda badan ka soconaya tababaro la xiriira Xirfadaha Gacanta iyagoo qaarkoodna ayba dhamaadeen oo ay dhalinyaadu xilligan ku shaqaysato.
Xirfadaha ugu badan ee dhalinyarada lagu tababarayo waxaa ka mid ah MAKAANIKADA (Farsamada mtoorada iyo qaybaha kale ee Gawaariada), FARSAMADA KORONTADA, FARYAAMADA IYO SAMAYNTA ALAABTA GURYAHA SIDA SARIIRAHA IYO ARMAAJOOYINKA CASRIGA AH, AL-XANKA, KALUUMAYSIGA IYO FARSAMOOYINKA, KARINTA CUNTADA GAAR AHAAN KALUUNKA IYO AARGOOSATADA, DABAASHA IYO BADBAADADA LOO BAAHAN YAHAY INTA LAGU GUDA JIRO KALUUMAYSIGA IYO SAFARADA BADA GUDAHEEDA, WADIDA GAADIIDKA BARIGA IYO BADA iyo farsamooyin kaloo badan.
Waxaa iyaguna jira dhalinyarado kale oo iyaguna lagu tababaro xirfadaha muhimka ah sida Accounting-ka, Marketing-ka, IT-ga, Journalism-ka, Engineering-ka iyo xirfadaha la midka ah ee aan ahayn kuwa gacanta laga qabanayo ee aan horay u soo sheegnay.
Dhamaan dadaaladani waxaa qaybta ugu weyn ka qaadanaya hay’adaha caalamiga ah oo dhaqaale farabadan ku bixinaya waxaase qabanaya oo fulinaya Macaahida wadanka iyo Ururada wadaniga ah oo iskaashanaya si loo soo saaro dhalinyaro ku tababarada xirfado badan oo ay ku shaqaysan karaan, wadankana wax ugu yaala wax soo saarkiisa.
Magaalooyinka ay dadaaladani ka socdaan waxaa ka mid ah Boosaaso, Qardho, Garowe, Gaalkacyo, Burtinle, Jariiban, Bacaadweyn, Eyl, iyo meelo badan oo ka mid ah gobollada Sool, Sanaag iyo Cay nee Puntland.
Magaalada Boosaaso waxaa la tilmaamay in ay xirfadahani ka bartaan arday 1000 ka badan oo lagu tababarayo xirfadaha gacanta gaar ahaan kuwa la xiriira kaluumaysiga si ay ugu shaqaynstaan, waxaana shalay Shahaadooyin iyo qalabkii ay ku shaqaysan lahaayeen ee lagu tababaray la gudoonsiiyay in kabadan 400 oo dhalinyaro wiilal iyo gabdhaha leh oo lagu tababaray xirfadaha Kaluumaysiga iyo Karinta cuntada gaar ahaana kaluunka, Aargoosatada iyo khayraadka kale ee bada, waxaana la rajaynayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan shaqooyinkii lagu tababaray.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa Farsamada gacanta lagu tababaraa in ka badan 900 oo arday oo dhigata xirfadaha kala duwan ee gacanta sida Farsamada Korontada, Makaanikada, iyo Ganacsiga, waxaana la xaqiijiyay in horay xirfadahani ay magaaladan loogu baray in kabadan 1500 oo dhalinyaro ah oo qaarkood hada ka mid ah Ganacstada magaalada kadib markii ay sidii loogu talagalay uga faa’idaysteen dhaqaale iyo qalab loogu deeqay gabgabadii tababaradaasi si ay ganacsigooda ugu bilawdaan.
Magaalada gaalkacyo hada waxaa ka furay Geerashyo ay furteen dhalinyaradii farsamadan lagu tababaray, Dukaamo Koronto oo ay furteen dhalinyaro iskaashatay oo ka mid ahayd dhalinyaradii Farsamadan lagu tababaray, Dukaamo ganacsi oo ay furteen shaqsiyaad ka mid ah dadkii tababarkan ka faa’idastay, Goobo Internet Café ah oo ay furteen dhalinyaro lagu tababay Xirfada Computerka iyo kuwo kaloo farabadan.
Waxaa intaasi dheer dhalinyaro farabadan oo iyaguna shaqooyin ka helay shirkada ganacsiga, kuwa Konrontada iyo kuwo Isgaarsiinta oo hada ku shaqaysta xirfadii ay barteen.
Sidaas si lamid ah magaalooyinka kale ee puntland waxaa si habsami leh uga shaqeeya dhalinyaro markoodii hore aan shaqayn jirin lakin hada shaqooyinka ugu fiican qabta markii xirfadahan lagu tababaray.
Puntland Office – Garowe
garowe@puntlandi.com
www.puntlandi.com


