abaaraha
|

Dadka ku dhaqan tuulooyinka Farxamur, Baarweyn iyo Budunbuto ee Gobalka Nugaal oo ka hadlay Dhismaha Waddada EYL

Dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka Farxamur, Baarweyn iyo Budunbuto oo katirsan Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal ayaa ka hadlay wado dhawaan laga dhagax dhigay Degmada Dangoroyo lana sheegay inay isku xiri doonto Degmadaas iyo Degmada Eyl oo kawada tirsan Gobalka Nugaal.

Wax garadka,haweenka iyo dhalinyarada tuulooyinka Farxamar,Baarwreyn iyo Budunbuto ayaa sheegay in wadadaas laga duway marinkii ay lahayd ee ay u astaysay Dawladii Maxamed Siyaad Bare, loona duway degaan aan wax tuulooyina ku oolin, waxayna codsadeen in la ilaaliyo xaquuqda degaanadaas maadama ay mudo dheer sugaayeen inay helaan wado laami ah oo u fududaysa isku socodka degaanada kale.

Odayaasha tuulooyinkan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay godoomi doonaan illaa sadex tuulo oo ku yaal wadada u dhaxaysa Tuulada Libaaxo iyo Degmada Eyl hadii laga duwo wadada loo maro Degmada Eyl, waxayna tilmaameen inay diyaar layihiin in ay dhaqaale iyo xoolaba ku bixiyaan wadadaas hadii lagu soo celiyo marinkeedii hore, mar walbana ay diyaar u yihiin inay dhistaan Wado isku xidha Magaalada Garowe iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.

Ugu Danbaytii Baaqan kasoo yeeray tuulooyinkan  ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal laga dhagax dhigay wado cusub oo isku xiri doonta wadada laamiga iyo Degmada Eyl, sidoo kale qiimayn wado kale oo cusub ayaa ka bilaabatay inta u dhaxaysa Tuulada Libaaxo oo katirsan Degmada Dangoroyo iyo Degmada Eyl taas oo la sheegay in dhawaan dhismaheedu bilaaban doono.

            Hoos ka Daawo Sawirridda
1 2 3 4 5 6 7 8

 

 

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n