|

Dalxiisayaal ajnabi ah oo dhowaan booqday meesha ay ku kulmaan badda cas iyo Bad weynta Hindiya.

Dalxiixayaal ajnabi ah ayaa dhowaan booqday  meesha ay ku kulmaan badda cas iyo Bada Hindiya. 

Dalxiisayaashaan oo la magacbaxay kooxda Nabada ee Extreme Eastm ayaa sidoo kale booqday meelo aad uqurux badan oo ku wanaagsan dalxiiska.

Warbixin ay kusoo daabaceen bartooda Facebook waxay ku sheegeen meelaha ay booqdeen inay ka muuqatay caalamo muujinaya Nabadda iyo Nabadgelyada iyo taariikhda fog ee dhulka Raasiga kadib maalmihii xukunkii Talyaaniga ee Soomaaliya.

“Waxaanu dareemnay raxmadda iyo saaxiibtinimada dadka Soomaaliyeed ee aan la kulannay, iyadoo waqti adag lagu jirana naga caawiyay in aan gaarno meesheenna,” ayay yiraahdeen.

Waxaan rajaynaynaa in maalin uun nabadgelyo ka hanaqaadi doonto Soomaaliya si dadka kale ay sidoo kale u awoodaan inay soo booqdaan dhulkaan Raaska Xaafuun Pumland oo ah meel aan caadi ahayn oo kutaala bariga Afrikam gaar ahaan Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login