|

Dawlada Puntland Oo Digniin Adag U Dirtay Xildhibaanada Ku Shiray Nairobi

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas”, ayaa sheegay in Xildhibaanada ku shiraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay yihiin Qaswadaal doonaya inay dhibaato u gaystaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, waxaana uu ka digay in Qas iyo shido la abuuro, xilli Ummadda Soomaaliyeed ay dadaal ugu jiraan inay dib u hantaan Qaranimadooda.

Gaas oo la hadlayay Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Norway, ayaa sheegay inaysan sinaba u aqlabayn in la shideeyo dawlad shaqaynaysay muddo saddex bilood ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu ku rajo wayn yahay in Xukuumadda cusub ay wax u qaban doonto Ummadda Soomaaliyeed, ayna ku hawlan tahay dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliya.

Xildhibaano aan la aqoon danaha ay leeyihiin ayaa Ummadda Soomaaliyeed doonaya inay qas iyo jahawareer galiyaan, kuwaas oo ku shiray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login