|

Dawlada Puntland Oo Mamnuucday Qabashadda Libaax Badeedka Iyo Shabaagaha Caaga Ah

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland-Soomaaliya ayaa mamnuucday qabashada libaaxa indho-buurka iyo isticmaalka shabaagaha caag ah, kadib markii madaxda Wasaaradu ay shir Saxaafadeed ku qabteen xafiiska wasaaradda ay ku leedahay magaalada Boosaaso.

Madaxda wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa warbaahinta u qeybiyey dikreeto lagu mamnuucayo adeesiga shabaagaha caaga iyo qabashada libaaxa indho-buurka, waxayna Digreetadasi u qornayd sidan:-

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka;

Ku: dhammaan shirkadaha qalabka kalluumeysiga.

Ku:Dhammaan  dalladaha iyo ururada  kalluumeysiga.

Ku: Taliska ciidanka boliiska  Puntland.

Ku: Ciidanka badda Puntland.

Ku: Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Ku: Wasaaradda Dekadaha  iyo gaadiidka badda Puntland.

Ku: Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Og: Wasiiru dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og:  Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda  kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Madaxweynaha Puntland.

Ujeedo dhaqan geiinta xeer madaxweyne (mamnuucid shabaagaha caaga ah)

Munayaal sida ku cad xeerka madaxweynaha  Lr.70 ee soo baxay bishii Juun 2014, waxaa la mamnuucay  shabaagaha caaga ah  soo dejintooda, ka ganacsigooda, isticmaalkooda iyo  adeegsigooda qalab ahaan  ama hab ahaan  badaha Puntland.

Hadaba waxaa la idin farayaa in aad dhaqan gelisaan  xeerka madaxweynaha hadda wixii ka dambeeyana ay  tahay dambi in la soo dejiyo, laga ganacsado, la isticmaalo ama la adeegsado shabaagaha caaga ah gudaha Puntland.

Sidoo kale qofna ma sameyn karo ganacsi ahaanna uma keeni karo qalab iyo gaadiid kalluumeysi  ayna oggolaan  dalabkiisa  iyo naqshadiisa wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda sida ku cad qodobka 72-aad ee xeerka kalluumeysiga Puntland Lr. 12 ee soo baxay bishii desember ee 2011.

Ciddii ka hortimaada xeerkaasi waxaa la marin doonaa sharciyada u dhigan  dalka, gaar ahaan kuwa khuseeya ku xadgudubka shuruucda kalluumeysiga.

Sidoo kale wasaaradda  kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa soo saartay wareegto lagu mamnuucayo kalluumeysiga Libaaxa indho-buurka.

Ku: Shirkadaha kallumeysiga.

Ku: Ururada kalluumeysiga ee ee heer degmo

Ku: Maamulada gobolada iyo degmooyinka.

Ku: Laamaha amniga Puntland.

Ku: Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland.

Ku: Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada.

Ku: Wasaaradda maaliyadda.

Ku:Wasaaradda ganacsiga.

Og:  Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda  kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Og: Madaxweynaha Puntland.

Ujeedo xirmo xiliyeed kaluumeysiga libaaxa indh-buurka.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi  markuu arkay  xeerka kalluumeysiga Puntland  qodobkiisa 71-aad, markuu arkay wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaradda, markii uu dhegeystay talo bixinta  khuburadad culuumta badda iyo kalluumeysiga ee ku aadan xaaladda uu ku sugan yahay  libaaxa indho-buurka, markuu tixgeliyey doorka uu libaax badeedka kaga jiro  sil-silidda cuntada iyo guud ahaan muhiimadda uu u leeyahay  kale duwanaasha noolaha, sidoo kale markuu wasiirka tixgeliyey xaalufka ba’an ee lagu hayo libaaxa indho-buurka taasi oo sababi karta in uu dhakhso u dabar go’a haddii  aan si deg-deg ah  wax laga qaban, markii uu darsay  shabaagaha caaga ah  ee mamnuuca ah ee loo adeegsado libaaxa indha-buurka  qabashiida oo tayadoodu liidato isla markaana badankood ku go’ a badda iyagoo sii wada waxa loo yaqaan kaluumeysi  rooxaameed sababana dhimashada noole fara badan.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadaka badda Puntland-Soomaaliya  Cabdirashiid maxamad Xirsi  ayaa ugu dambeen waxa uu amray:

A-Xirmo xiliyeed ku aadan qabashada libaaxa indho-buurka oo ka fulaysa dhammaan  xeebaha Puntland mudadeeduna tahay  laba sano  oo ka bilaabanaysa maalinta wareegtadan soo baxdo.

B- Inta lagu guda jiro xirmo xiliyeedka qof , koox, shirkad, urur,  ama iskaashato  uma howl geli karto  in uu qabsado  libaaxo indha-buurka.

C-In aan laga dhoofin karin garoomada  iyo dekadaha Puntland libaaxa indho-buurka saliidiisa, haragiisa iyo cadkiisa inta lagu guda jiro xirmo xiliyeedka la iclaamiyey ee kor ku xusan.

D-Inta lagu jiro  mudadaasi labada sano ah wasaaraddu waxay sameyn doontaa cilmi baaris dhammeystiran  oo lagu darsayo xaaladda kheyraad badeedka.

Dhammaan xafiisyada ay wareegtadan sida tooska ah  iyo sida dadban  ugu socota  waxaa lagu wargelinayaa in ay fuliyaan  awaamiirtan lagu xili xirmeynayo qabashada libaaxa indha-buurka.

Cidii ka hortimaada awaamiirtan , jebisana  xirmo xiliyeedka la iclaamiyey  waxaa la marinayaa  sharciga u dhigan  dalka, gaar ahaan  kuwa khuseeya  ku xadgudubka  shuruucda kalluumysiga.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login