abaaraha
|

Deg Deg : – Kooxda Al-Shabaab oo la wareegay Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool

Wararka soo baxaya magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Tiyeglow ee Gobolka Xudur Saaka,ka dib markii Ciidamada Ethopia iska huleeleen Degmadaasi xalay habeen barkii.

Wararka ayaa intaa ku darayaan in dhamaan maamulkii iyo masuuliyiinti dawalada ee Dagmadu ay hore u sii raaceen oo la qaxeen Ciidamada Ethopia ee magaalada ka baxay.

Qabsashada Degmada Tiyeglow ee Kooxda Al -Shabaab ayaa noqonaysaa Degmadii 9aad ee Kooxdaasi u gacan gasha todaabdayo gudahood,taas oo muujinaysa fashilka dhinaca Amaanka iyo Nabadglayda Dalka ah ee ku dhacay Maamulka wakhtigiisi dhamaaday ee uu madaxda u yahay Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed.

Halkan ka fiiri Degmooyinka Al-Shabaab ay dib u qabsadeen dhawaan

20161026_114551

Comments are closed

aet