|

DEG DEG: Madaxweynaha Galmudug Xaaf Oo Kismaayo Ka Dagay

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, ayaa ka dagay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne kale ayaa Xaaf kuso dhoweeyay Kismaayo.

Madaxda maamul goboleedada, ayaa Kismaayo kaga qayb galaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Madaxeynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka kale, Madaxda Puntland iyo Hirshabeele ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login