abaaraha
|

DEG DEG : – Maleeshiyooyin gadoodsan oo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho

Wararka ka soo baxay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maleeshiyooyin hubeysan oo ka tirasan Beelaha degga Xamar ee loogu yeero Ciidamada Dawladu ay ku dhaqaaqeen gadood ay ku xireen wadooyinka halbolaha u ah isu socodka shacbiga iyo ganacsiga ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyooyin Beeladka hubeysan ayaa la sheegay in ay ka cabanyaan mushahar la’aan.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gadoodka ay maleeshiyooyinku ku kaceen.

Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee cusub baa looga fadhiyaa in ay dhaqan celin u sameeyaan maleeshiyooyinka Beleeha, isla markaan dibu dhis ku sameeyaan ciidamada Qarank, iyagoo dib u soo celinaaya sharafkii iyo cisadii uu shacbiga Somaaliyeed ku dhex lahaa Ciidanka Xogga dalka Somaaliyeed.

You must be logged in to post a comment Login