|

DEG DEG: Madaxweyne Gaas Oo Ka Duulay Boosaaso, Kuna Wajahan Kismaayo

Wafdiga Puntland uga qayb galaya shirka Kismaayo, ayaa ka duulay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waxaa Wafdiga hogaaminaya Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo si wayn looga sugayo Kismaayo.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeele iyo Galmudug, ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana Kismaayo laga sugayaa Wafdiga Puntland.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa walaac xooggan ka qaba dawlada Federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay dalbatay in la joojiyo hadana uma suura galin.

Wixii kaso kordha Wararka Shirka Kismaayo dib ayaan kaso daabacaynaa, hadduu ALLE idmo.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login