|

Degdeg: Fanaankii weynaa ee Shey Mire Dacar oo Hargeysa ku geeriyooday

Waxaa galabta magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ku geeriyooday allaha unaxariistee fanaankii weynaa ee Sheymire Dacar oo kamid ahaa fanaaniin aadka looga yaqaanay dhulka Soomaalida.

Sheymire Dacar ayaa ku xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Hargeysa, waxaana geeriyadiisa xaqiijiyay walaalkiis isaga la dhashay.

Marxuumka ayaa kamid ahaa fanaaniintii dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna ku jiray fanaaniinta  gudaha dalka ku sugnaa ilaa iyo waqtiga fanka kusoo biiray.

Puntlndi.com

Comments are closed