|

Degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal oo yeelatay guddoomiye cusub.

Xildhibaanada Godob-jiraan ayaa doortay guddoomiye, kadib markii uu meesha ka baxay guddoomiyihii ee degmadaas Yuusuf Maxamed Faarax, kaasoo iscasilay, inkastoo dhowaan xildhibaanadu ay kalsoonida kala noqdeen http://puntlandi.com/guddoomiyihii-degmada-godob-jiraan-oo-kalsoonidii-lagala-noqday/

Gudomiyaha Cusub ee Degmada Godob-jiraan oo lagu magacaabo Axmed Siciid Cismaan ayaa horey usoo noqday guddoomiyaha Godob-jiraan, kahor inta aan degmadaan loo sameyn loo sameynin gole degaan.

Maamulka Gobolka Nugaal oo ugu Horeeyo Guddomiyaha Gobolka Nugaal ,Gudomiye Ku Xigeenada Isuduwayaasha, Agaasimahayaasha iyo Madaxqaybeedyada gobolka, ayaa maalintii shalay hambalyo Gudomiyaha Cusub ee Degmada Godob-jiraan, waxayna u rajeeyeen inuu kasoo baxo waajibaadkiisa.

Doorashada guddoomiyahaan ayaa soo afjaraysa khilaaf muddo ka taagnaa degmadaas, kaasoo ka dhashay wax qabad lagu eedeeyay maamulkii hore.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login